U bood dhigaalka

Trump “Hal Shey Ayaa Lagu Hagaajin Karaa Tacaamulka Mareykanka Iyo Kuuriyada Waqooyi”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in hal shey oo kaliya lagu hagaajin karo tacaamulka kala dhaxeeya Kuuriyada waqooyi,isaga oo tilmaamay in wadahadalladii dhexmaray isaga iyo Pyongyang aan laga gaarin wax natiijo ah.

Trump ma uusan xadidin halka shey ee lagu hagaajin karo xiriirka labada dalk,balse waxaa uu ku goodiyey bishii la soo dhaafay inuu baabi’in doono kuuriyada waqooyi,hadii ay ku sii adkeysato falalka ay sameyneyso si ay u ilaaliso nafteeda iyo isbaheysigeeda.

Madaxweyne Trump ayaa hoosta ka xariiqay in madaxdooda iyo maamuladooda ay la hadlayeen kuuriyada waqooyi mudo dhan 25 sano,laguna gaaray heshiisyo.

Balse waxaa uu tilmaamay in heshiisyadaan ay ku tunteen kuuriyada waqooyi oo ay buriyeen ka hor inta uusan qalalin qadda qalinka.

Dalalka Mareykanka iyo kuuriyada waqooyi ayaa waxay is dhaafsadeen handadaado iyo hadalla kul kulul intii lagu guda jiray todobaadyadii la soo dhaafay.