U bood dhigaalka

Trump oo laga qaaday baasaboorka

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in hay’adda FBI-da maraykanka ay ka qaadday saddex baasaboor oo uu lahaa isniintii todobaadkaan.

Talaabadaan ayaa imaanaysa xilli uu Trump wajahayo cadaadis dhanka sirdoonka iyo hay’adaha garsoorka ah, kadib tan iyo markii uu wareejiyay xilka.

FBI-da Maraykanka oo wadata warqad ogolaansho ah ayaa baaris ku sameysay guriga madaxweynihii hore ee Maraykanka ee ku yaalla gobalka Florida ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay ka soo heshay dukumiintiyo sir ah.

Inta la xaqiijiyay in ka badan 20 sanduuq oo dukumiintiyo iyo sawiro sir ah ayaa laga soo saaray guriga madaxweynihii hore ee Amerika.

“Tani waa weerar lagu qaaday siyaasi mucaarad ah, taas oo gaarsiisan heer aan horay loogu arag dalkeenna. Dunida Saddexaad!” ayuu Trump ku soo qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.

Waa eeddii ugu horeysay ee sidaan u culus iyo baaritaan ah oo uu wajaho siyaasi mucaarad ah oo xil ka soo qabtay maraykanka.

Goobjoog News