U bood dhigaalka

Trump Oo Booqasho Ku Tagay Japan, Kana Hadlaya Arrimaha Waqooyiga Kuuriya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu maanta booqasho ku tagay dalka Japan isaga oo sheegay in arrinta hubka ee Waqooyiga Kuuriya ay tahay arrimaha ugu muhiimsan uu kala hadfli-doono madaxa Asia.

Donald Trump waxaa uu booqasho 12 maalmood ah ku tagayaa dalal ku yaallo qaaradda Asia isaga oo madaxda dalalkaasi kala hadli-doona arrimo la xiriira waqooyiga Kuuriya.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu doonayaa in xal waara loo helo arrinta Pyongyang, isaga oo sida uu sheegay muhiim u ah Mareykanka iyo caalamka.

Xulafada Mareykanka ayaa shaki ka qaba sida Trumo ula shaqmi-doono ama u xallin-doono arrinta Waqooyiga Kuuriya kadib markii uu horay ugu hanjabay.

Goobjoog News