U bood dhigaalka

Trump oo Go’aan Ka Qaatay Duqeynta Al-shabaab Iyo CIA-da Oo La Siiyey Mashruuc Cusub

Sheeko:Amniga

Sida ay qortay NBC, Mareykanka ayaa qorsheynaha inuu yareeyo weerarada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaa uu sababta ku sheegay inay qabteen madaxda kooxda, tani waxaa ay qeyb ka tahay qorshaha Turmp ee lagu dhimayo ciidamada ka jooga caalamka.

Go’aanka sababaha uu u qaatay waxaa ka mid ah, in Al-shabaab haddii ay khatar ku yihiin dowladda Soomaaliya iyo dalalka dariska in aaney ka dhigneyn inay khatar toos ah ku yihiin Mareykanka.

Qorashaha micnahiisa waa in la yareyn doono ciidamada la dagaalanka argigisada, xooggana la saari-doono Russia iyo China.

Sanadkii tagay, Mareykanka ilaa 47 jeer ayey duqeeyeen Al-shabaab halka 2017-kii ay aheyd 37.

Mareykanka waxaa kale oo gudaha Soomaaliya ka jooga ilaa 500 oo qaabilsan tababarka iyo arrimo kale. Qorshahan cusub waxaa ku jira in CIA-da lagu wareejin-doono wixii duqeyn ah.

Goobjoog News