U bood dhigaalka

Trump Oo Iran Ku Eedeeyay Inay Ma’suul Ka Tahay Xasilooni Darada Ka Jirta Bariga Dhexe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dowladda Iran  inay mas’uul  ka tahay deganaansho la’aanta ka jirta bariga dhexe isagoo sheegay in madaxweynaha Siiriya Bishaar Al-asad uu galay dambiyo dagaal balse uu taageero ka helo dhanka Iran.

Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay hubeyso ayna maalgaliso kooxaha argagixisada ah kuwaas oo burbur iyo fowdo gobolka bariga dhexe waxa uu intaas ku daray in siyaasadda Iran ay ka dambeyso waxyaabahaas oo dhan.

Iran ayaa siyaasad ahaan waxay bariga dhexe ay kula tartamaysaa dowladda Sacuudi Carabiya taasi oo qeyb ka qaadatay hubaynta maleeshiyaad ay ka midyihiin kooxaha Xowtiyiinta.

Hadalkaani ayaa Trump ka sheegay shirmadaxeedka wadamada Islaamka iyo asaga ay ku qaateen magaalada Riyaadh ee caasimadda Sacuudiga .