U bood dhigaalka

Trump oo Joojinaya Duulimaadyada uga Yimaada Yurub Cabsi Laga Qabo Coronavirus Darteed

Sheeko:Caalamka

Donald Trump madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay joojinayaan dulimaadyada uga yimaada dalalka Yurub cabsi ay ka qabaan cudurka Coronavirus oo haatan caalamka ku sii fidiya.

Khubad uu si toos ah telefishenada uga jeediyay ayuu ku sheegay in muddo 30 cisha ah la hakiyay dhammaan duulimaadyadii Mareykanka uga iman jiray Yurub.

Wuxuu tilmaamay in Viruska Coroona uu gudaha Maraykanka ay dad badan u dhinteen kuwo kalena uu haleelay waliba iyagoo guryahooda iska jooga, isagoo caddeeyey in tallaabadan ay ku doonayaan inay kaga hor tagaan faafitaanka caabuqa Coroon.

Wadamada reer Yurub ee uu sida ba’an u saameeyay cudurka Coronavirus waxaa ka mid ah Talyaaniga oo haatan la galiyay xaalad bandow ah, waxaana Mareykanku uu markaan muujinaya cabsi aad u xooggan maadaama dhowr kiis laga helay magaalooyinka qaar ee Mareykanka.

Goobjoog News