U bood dhigaalka

Trump Oo Ka Fiirsanyo Inuu Dalkiisa Uu Ku Soo Celiyo Heshiiskii Cimilada Paris

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadankiisa uu ka fiirsanayo in la soo celiyo heshiiskii Paris ee Cimilada isaga oo tilmaamay in wax la taaban karo aan laga gaarin dhankaani.

Trump oo shir jaraa’id la qaatay ra’iisulwasaaraha dalka Norway Erna Solberg ayaa waxaa uu si cad u sheegay inay wax dhib ah aysan ka jirin heshiiskaan,bals waxaa uu tilmaamay in dhibaato ay ka jirto dadka saxiixay oo uu ku tilmaamay inay galeen heshiis xun.

Turmp ayaa intaasi ku daray in Mareykanka ay suurto gal tahay inuu ka fiirsanayo ku soo laabashada heshiiskaan isaga oo aan bixin faafaahino dheeraad ah.

Trump ayaa horay u diiday inuu ku soo laabto heshiiskii caalamiga ahaa ee cimilada, isaga oo ku adkeystay in sharuudaha iyo wadahadalka heshiiskaan uu san u qalmin dalkiisa.

Trump ayaa carabka ku adkeeyay in heshiiska Paris qaabka uu u saxiixay maamulkii Obama uu ahaa mid dulmi ku ah Mareykanka,isga oo ku celceliyey in uu saameyn xun oo dhaqaalo u keeni karo Mareykanka.

Trump ayaa yiri “Waxaan nahnay dal hodan ku ah gaaska dhuxusha saliida iyo arrimo kale heshiiska waxaa uu ahaa mid dhan xun ku yeelan karo shirkadaheena”.

Goobjoog News