U bood dhigaalka

Trump Oo La Filayo In Uu Booqdo Qudus

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in laga yaabo in uu booqdo bishahaan gudaheed magaalada Qudus, sida ay sheegtay New York Times.

Trump oo ka jawaabayey su’aal uu weydiiyay wariye oo aheyd in uu xaadirayo furitaanka Safaaradda dalkiisa ee Qudus ayaa ku jawaabay “Waxaa laga yaabaa in aan Qudus booqdo bishaan.

Dhamaadka bishii tagtay ayuu Trump sheegay in uu ka qeyb-galayo furitaanka Safaaradda Mareykanka ee Qudus taasi oo lagu wado in la furo bartamaha bishan May.

December,6 2017 ayuu Trump ku dhawaaqay in Qudus ay tahay maago madaxda Israel uuna safaaraddiisa ku taallo TELAVIV uu u rari doono Qudus.

Goobjoog News