U bood dhigaalka

Trump Oo Lagu Eedeeyey Ka Bixitaankiisa Suuriya

Sheeko:Dalka

Maamulka Trump ayaa lagu eedeeyey go’aanka ah iney ka baxayaan dalka Suuriya, iyaga oo sabab uga dhigay inay jabiyeen ururka Daacish, arrintan waxaa walaac ka keenay dalalka daneeya arrimaha dalkaasi.

Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka(Pentagon) ayaa  sheegtay in dagaalka uu gali-doono marxalad kale, taasi oo aaney faahfaahin ka bixin.

In ka badan 20 kun oo ciidamo Mareykan ah ayaa qeyb ka ahaa xureynta qeybo ka mid ah waqooyi bari ee dalkaasi Suuriya.

Go’aanka hore ee Mareykanka waxaa uu ahaa in ay sii joogaan Suuriya, si aaney Daacish ma kale u soo laaban.

Goobjoog News