U bood dhigaalka

Trump Oo Ogolaaday In Ciidamada Mareykanka Sii-joogaan Suuriya Muddo Dheer

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa ogolaaday in ciidamada Mareykanka ay sii-joogaan dalka Suuriya muddo dheer, arrintan ayaa ka timid kadib kulan ay yeesheen galaha amniga qaranka.

“Waxaa uu doonayaa inuu hubiyo jabka Daacish, waxaa kale oo dalalka dariska ka diinayaa in xoog saaraan in Suuriya lagu kaalmeeyo soo-celinta degenaanshiyaha”, sidaasi waxaa Reuters u sheegay mas’uul Mareykan ah.

Khamiistii hore ayuu Trump sheegay inuu doonayo sidii ciidamada uga soo saari lahaa dalka Suuriya, laakin waqti ma aanu qaban.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu golaha ammaanka u sheegay in Daacish laga adkaan rabo balse aanu dhammaan.

Goobjoog News