U bood dhigaalka

Trump Oo Qudus U Aqoonsan-doona Caasimadda Isra’il

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Dowland Trump ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magaalada Qudus u aqoonsado caasimadda Isra’il, tillaabadaas oo aanu sameyn madaxweyne hore tan iyo markii Yuhuudda xooga ku yimaadeen dhulka Falastiin 1948-dii.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Trump uu dib u dhigi-doono go’aanka 2aad oo ah in uu safaaradda dalkiisa u raro Qudus, lamana oga xilliga uu taasi ku dhaqaaq—doono, waxaana laga yabaa in bilooyin ama sanado qaadato.

Mr. Trump waxaa uu shalay la hadlay madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, Boqoradda Sacuudiga Salmaan iyo Urdun Cabdalla iyo madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas, waxaa kale uu la hadlay ra’isul wasaaraha Isra’il  Benjamin Netanyahu.

Dunida Muslim-ka ayaa ugu horjeeda in magaalada barakeysan ee Qudus laga dhigo caasimadda Isra’il ama in loo raro safaaradda Mareykanka.

Madaxweynaha Turkiga iyo madax kale oo dunida muslimka ka tirsan ayaa ku han-jabay in tillaabooyin qaadi-doonaan haddii Trump sidaasi sameeyo.

Goobjoog News