U bood dhigaalka

Trump Oo Saxiixay Cuna-qabateynta Ruush-ka, Iran Iyo Kuuriyada Waqooyi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Dowland Trump ayaa saxiixay qanuunka lagu cuna-qabateynayo dalalka Ruush-ka, Iran iyo Waqooyiga Kuuriya.

Mr. Trump waxaa uu sheegay in aanu ku faraxsaneen in Ruushka la cuna-qabateeyo isaga oo Congress-ka u soo jeediyay in aaney hor istaagin dadaallada waxa looga qabanayo arrinta Ukrain.

Waxaa sidoo kale sheegay in go’aankaasi aanu ku faraxsaneen wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, inkasta oo labada nin oo labada nin ay qireen in ay ku faraxsan yihiin in la ciqaabo dalalka qaar.

Ruushka oo ka jawaabayey go’aanka Conger-ka ayaa ceriyay 755 Diblomaasi Mareykanka ah, waxaana lagu wadaa in tillaabiiyin kale qaadaan.

Goobjoog News,