U bood dhigaalka

Trump Oo Sheegaya In Wada-shaqeyn Ka Dhaxeyso Waqooyiga Kuuriya iyo Iran

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay si siman ula shaqeyso Kuuriyada Waqooyi, isagoo adkeeyay in waxbadan aysan ka qabsoomin heshiiskii la saxiixay  2015, kaasi oo ay wada galeen Iran iyo dowladaha waaween kuna qotoma barnaamijka Nukleerka Dahraan.

Hadalka Trump ayaa yimid ka dib saacado markii ay ku dhawaaqday Iran inay ku guuleysatay tijaabinta gantaan Balaastiig ah, kaasi oo lagu magacaabo Kharmashhar, waxaa uuna gaarayaa tiiradiisa ku dhawaad 2000 Km.

Donald Trump ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in tijaabada cusub ee gantaalka Iran ay muujineyso taag darida heshiiskii uu la gaaray Obama Dahran.

Goobjoog News