U bood dhigaalka

Trump Oo Soomaaliya iyo Dalal Kale Ugu Yeeray Kuwoo Qasan, Musuq Badan, Shaqana Ka Socon

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa weerar afka ku qaaday dalalka ay asal ahaan ka soo-jeedaan xildhibaanno Congerss-ka Mareykanka, gaar ahaan Ilhaan Cumar, oo ah Soomaalida Mareykanka.

Mr. Trump ayaa Axaddii bartiisa Twitter-ka ku qoray “ Waa wax xiiso leh in aan aragno xubno ka tirsan haweenka Congerss-ka ee Dimoqoraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal uu ka jiro maamul gebi ahaanba qasan, ugu xun, ugu musuq iyo karti xun caalamka oo dil(waa haddii ay gebi ahaanba leeyihiin xukuumad shaqeneysa) ayaa hadan cod dheer, waa iney dalkooda ku laabtaan, soona noqdaan iyaga oo sheegaya sida ay u hagaajiyeen”.

Inkasta oo Ilhaan Cumar ay ka jawaabtey, laakin waxaa ay difaacday iney Mareykanka tahay, mana soo hadal qaadin Soomaaliya oo lagu xagliyey, laguna bahdilay qoraalka Trump.

Madaxweyne Trump ma sheegin wax magacyo ah, laakin waxaa uu ula jeeday lhan Omar, Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib (D-Mich iyo Ayanna Pressley .

Siyaasi Soomaali ah oo ku sugan Mareykanka, codsanada in magaciisa la qariyo, oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrinta uu hadlay Trump tahay Naazinimo, “Asal ahaan waxaa ay ehelkiisa ka yideen Nasi, marka waxaa uu rabaa inuu fikirkaas soo celiyo”.

Siyaasiga oo sii hadlayey ayaa yiri “ Qaran ahaa Soomaaliya iney ka hasho ayey aheyd, oo aad sheegto iney ixtiraameyso dalka iyo dadka Mareykanka iyo sida ay u soo dhoweeyeen dadka Soomaalida ah, si dadbn ayaa loogu jawaabi karay, laakin  dowlad karti oo geesi ah ayaa la rabaa”.

Goobjoog News