U bood dhigaalka

Trump Oo John Bolton U Magacaabay La Taliyihiisa Amniga Qaranka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa badalay la taliyihiisii amniga qaranka H. R. McMaster waxaa uuna u magacaabay safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyey qaramada midoobay John R. Bolton.

Trump ayaa bartiisa Twitterka waxaa uu ku qoray uga mahadceliyey  H. R. McMaster shaqooyinkii uu qabtay waxaa uuna yiri “Waxaa uu qabtay shaqo aad u fiican, waxaan ku faraxsanahay inaan sheego laga bilaabo sagaalka bisha April 2018, John R. Bolton waxaa uu noqon doonaa lataliyaheyga amniga qaranka”.

John R. Bolton waxaa uu soo noqday safiirka Mareykanka u fadhiyey qaramada midoobay, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay muxaafidiinta cusub ee Trump, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii adkaa ee madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush.

Bolton ayaa aad waxaa uu uga soo horjeedaa heshiiska Nukliyeerka ee Iran ay la galeen dolwadaha ugu waaweyn dunida.

Bolton ayaa waxaa uu noqonayaa qofkii saddexaad oo uu trump u magacaabo lataliyaha  amniga qaranka muddo 14 bilood gadaheed ah taasi  oo ah inta Trump uu joogay xafiiska.

Trump horay waxaa uu xilkii uga qaaday xoghayihii hore ee Mareykanka  Rex Tillerson, waxaa uuna u magacaabay xilkaasi agaasimihii hore ee CIA Mike Pompeo .

Goobjoog News