U bood dhigaalka

Trump Oo Waddada U Xaarey Dagaal Ganacsi Oo Adduunka Ka Bilawda!

Sheeko:Caalamka

Toddobaad ka hor, xukuumadda Maraykanka ee Trump hoggaanka u hayo ayaa ku dhawaaqday qorshe ay waddo oo ay tacriifad dheeraad ah ku saarayso Aluminum-ka iyo steel-ka dibedda looga soo dhoofsho waddanka Maraykanka. Trump waxa uu ku dooday in Aluminum iyo Steel-ka uu Maraykanku soo saaro ay khatar ku jiraan maaddaama oo waddamo badan Maraykanka u soo dhoofiyaan badeecadahan iyaga oo ka jaban kuwa waddanka gudihiisa lagu soo saaro, sidaasi darteedna ay halis ku jiraan warshadaha Maraykanka ee soo saara labadan badeeco.

Xaggee ayuu salka ku hayaa qorshaha Trump?

Sideedaba, marka cilmiga Dhaqaalaha la joogo, waxa jira siyaasad lagu magcaabo“protectionism” ama ilaalinta badeecadaha waddanka gudihiisa laga soo saaro. Siyaasaddan beryihii hore ayaa aad loogu dhaqmi jirey balse intii adduunku isku furmay, carro-edagaytuna (globalization) dhacday isla markaana la sameeyey hay’adaha sida Ururka Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization), waa ay yaraatay ku dhaqanka siyaasaddani oo waxa adduunka badankiisu qaatay siyaasadda dhaqaale ee “suuqa xorta ah”, taasi oo dhigaysa in suuqyadu ay u furan yihiin badeecadaha kala duwan ee adduunka laga soo saaro, dadka macaamiisha ahna loo daayo kala doorashada badeecadahaas iyaga oo ku salaynaya qiimahooda iyo tayadooda.

Siyaasaddan ilaalinta badeecadaha waddanku waxa ay dhigaysaa in dalku tacriifad (tariffs) dheeraad ah uu saaro badeecadaha shisheeye ee la tartami kara kuwa gudaha. Tacriifaddaasi ayaa dabadeed keenaysa in qiimihii badeecadda laga soo dhoofsado waddanka dibaddiisu ay cirka tagto kana sare marto qiimaha tan waddanka gudihiisa laga soo saaro, dabadeed taasi ayaa keenaysa in badeecadda guduhu hesho fursad ay kaga jabnaato tan dibedda, dadkuna ku iibsadaan. Sidoo kale, waddamada qaarkood, si ay u dhiirrigeliyaan waxsoosaarka gudaha waxa ay sameeyaan kab “subsidy” kaasi oo ay ku kabayaan warshadaha waddanka si qiimaha ay badeecadda ku soo saaraan u yaraado, sidaasi darteedna ay ula tartamaan badeecadda dibedda laga soo dhoofsado. Waddamada siyaasaddan ku soo caanamaalay waxa kow ka ah waddanka China.

Dadka siyaasadda ilaalinta badeecadaha gudaha u ololeeya waxa ay ku dooddaan in haddii aanay dawladdu sidaasi samayn, oo aanay tacriifad dheeraad ah saarin badeecadaha shisheeye amaba se kab u samayn warshadaha gudaha, ay dhacayso waxa ay ugu yeeraan “saqiiridda warshadaha gudaha (infant industry)”, maaddaama oo ay warshadaha soo saara badeecadaha guduhu la tarmi karin warshadaha ka jaban amaba ka tayo badan ee waddamada kale ku yaalla.

Waa maxay saamaynta qorshaha Trump?

Trump waxa uu sheegay in uu qorshaynayo in 25% cashuur ama tacriifad ah uu saari doono steel-ka waddanka dibeddiisa laga soo dhoofsado, 10% cashuur ahna uu saari doono Aluminum-ka laga soo dhoofsado waddanka dibeddiisa.

Aluminium-kan iyo steel-kan laga soo dhoofsado waddanka dibeddiisa waxa iibsada shirkado badan oo Maraykanka ku yaalla kuwaas oo sameeya gawaarida, qalabka kijinka, qalabka caafimaadka, iwm. Cashuurtaasi lagu kordhiyey labadan badeecana waxa ay ka dhigan tahay in qiimaha alaabta laga sameeyo labadan badeeco ay sii kordhi doonaan, ayna adkaan doonto in shirkadahaasi ama warshadahaasi faa’iido sameeyaan.

Haddiiba ay dhacdo in warshadaha shisheeye ee soo saara aluminium iyo steel-ka ay waddanka Maraykanka ka furtaan warshado, maalgashina ku samaystaan si ay halkaas uga soo saaraan labadan badeeco, ugana badbaadaan tacriifadda la saaray, Maraykanku waa uu ku faa’idayaa tallaabadani, balse haddii waddamada laga soo dhoofiyo labadan badeeco ay jawaab ka bixiyaan tallaabadan isla markaana ay iyana tacriifad dheeraad ah ku soo rogaan badeecadaha waddamadoodu ka soo dhoofsadaan Maraykanka, waxa bilaabmaya dagaal ganacsi “Trade War”, kaasi oo aannu Maraykanku waxba ka dheefayn.

Jawaabcelinta waddamada kale

Tusaale ahaan, isla markii uu Trump iclaamiyey tallaabadan ku saabsan tacriifadda cusub, waddanka Canada oo kamid ah waddamada labadaa badeeco u soo dhoofiya Maraykanka ayaa si kulul uga jawaabey. Wasiirka Arrimaha Dibedda waddanka Canada, Chrystia Freeland, ayaa arrintan kaga jawaabey, “Haddiiba xannibaado lagu soo rogo alumunium-ka iyo steel-ka Canada, Canada waxa ay qaadi doontaa tallaabooyin jawaabcelin ah si ay u difaacdo danaheeda ganacsi iyo shaqaalleheeda.” Waddanka Canada waxa uu kow ka yahay waddamada waxsoosaarka beeraha ka soo dhoofsada Maraykanka, waxana laga yaabaa in uu tacriifad dheeraad ah ku soo rogo waxsoosaarka laga soo dhoofsado Maraykanka, taasina ay keeni doonto in beeraleyda Maraykanku ay khasaaraan.

Sidoo kale waddanka China oo ay xifaaltamaan Maraykanka isla markaana kamid ah waddamada Almunium-ka iyo Steel-ka u soo dhoofiya Maraykanka ayaa qorshaha Trump ka jawaabey. Wasiirka Arrimaha Dibedda China, Wang Yi, oo arrintani ka hadlayey waxa uu sheegay in dagaal ganacsi oo adduunka xilligan ka dhaca aannu cidna faa’iido u lahayn, “gaar ahaan marka la eego carro-edagaynta maanta jirta, doorashada dagaal ganacsi waa tallaabo khalad ah. Waxa ka soo baxana waxa uu noqon doonaa mid dhaawac badan geysta,” ayuu yiri wasiirku. Wang waxa uu intaasi ku daray “China waxa ay samayn doontaa jawaab lagamamaarmaan ah oo qiil loo hayo”.

Sidoo kale, Midowga Yurub oo isna ah mid kamid ah meelaha laga soo dhoofiyo labadan badeeco ee uu bartilmaameedsaday madaxweyne Trump ayaa arrintan si adag uga falceliyey. Shalay Arbacadii ayaa Midowga Yurub soo saaray liis tacriifado ah oo ay la beegsan doonaan badeecadaha laga soo dhoofsado Maraykanka. U-qaabilsanaha ganacsiga ee Midowga Yurub, Cecilia Malmstrom, ayaa iyada oo Brussels ka hadlaysa waxa ay tiri “tallaabada Maraykanku waxa ay halis gelinaysaa kumanaan shaqo oo Midowga Yurub ah, waana in laga horgeeyaa jawaab adag oo ku habboon.” Liiskan badeecadaha ah ee Midowga Yurub la beegsan doono tacriifadaha waxa kamid ah funaanado Maraykanka laga keeno, tubaakada la calashado, cambaha, steel-ka iyo qaar kale oo badan.

Trump muxuu ka aaminsan yahay dagaal ganacsi oo dhaca?

Trump isaga oo mar dhexdaas ah ka falcelinaya digniinaha uga imanaya waddamada ay xulafada yihiin ee ku saabsan suurtagalnimada inuu dhaco dagaal ganacsi waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Marka waddanku uu khasaaro balaayiin doolar ah marka uu ganacsi la sameeyo ku dhawaad waddan kasta, dagaallada ganacsigu waa wax wanaagsan, waana ay fududdahay in lagu guuleysto.” Hadalkan waxa dhinaciisa barta Twitter-ka kaga jawaabey Guddoomiyaha Golaha Midowga Yurub mudane Donald Tusk, waxa uuna yiri “Madaxweyne Trump waxa uu yiri ‘dagaallada ganacsigu waa wanaagsan yihiin, waana fududdahay in lagu guuleysto’. Runtuse waxa ay tahay; dagaallada ganacsigu waa wax xun, wayna fududdahay in lagu guuldarraysto.”

Maxaa ka dhalan kara qorshaha Trump?

Qorshaha uu Trump wado haddii uu hirgalo waxa la saadaalinayaa inay bilaabi karto dagaal ganacsi kaasi oo dhaqaalaha Maraykanka iyo guud ahaaan kan adduunkaba halis gelin doona. Dadka reer Maraykanna waa ay ka dayriyeen qorshahan uu wado Trump. Tusaale ahaan, lataliyaha arrimaha dhaqaalaha Madaxweyne Trump, Gary D. Cohn, ayaa Talaadadii dhawayd sheegay in uu iscasili doono. Iscasilaaddan waxa lala xiriiriyey qorshaha tacriifadda ee Trump wado maaddaama oo uu Gary aad uga ololeeyey uuna ka soo horjeeday. Sidoo kale, xubnaha Congress-ka ee ay isku xisbiga yihiin Trump ayaa badankoodu waxa ay ka soo horjeedaan qorshahan.

Ugu danbayntii, waxa dadka qaar saadaalinayaan in qorshahan uu wado Maraykanku aanu dhaqangeli doonin, Trump-na laga hor istaago doono hirgelintiisa maaddaama oo uu halis gelin doono nidaamka dhaqaale ee adduunka, sababna u noqon doono dagaal ganacsi oo aan laga soo waaqsan.

Goobjoog News