U bood dhigaalka

Trump Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjire Cali Shariif

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay aqbalaadda warqadaha aqoosiga ee uu madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee uu ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Washington, Cali Shariif Axmed.

Trump ayaa aqalka cad ku qaabilay danjire Cali Shariif, wuxuuna ku bogaadiyey safiirka cusub shaqada loo soo igmaday.

Qoraal kasoo baxay dowadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in danjirahan cusub uu sii dar-dargelinayo xiriirka saaxiibtinimo ee Labada dal iyo sidoo kale wax wada qabsiga faa’idada u leh Labada dal.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).

Goobjoog News