U bood dhigaalka

Trump Oo Washington Ku Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Israel

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa  Ra’iisul wasaaraha Israel  ku casuumay magaalada Washington, bisha soo socota,  si ay kulan ugu qaataan aqalka cad, waxaana  hadalkaani uu yimid kadib markii Labada mas’uul ay ku wada xariireen qadka Taleefanka.

Hadal kasoo baxay aqalka cad ayaa waxa uu ku sheegay madaxweyne Trump  inay waa jib  ku tahy inuu ilaaliyo ammniga Israel, waxa uuna Natanyahu uu ku raacay in la sii wado wada xaajoodka arrimaha ku saabasan  bariga dhexe iyo hanjabaadaha dhanka Iran oo ku saabsan inay sameysanayso Nuclear.

Madaxweyne Trump ayaa carabka ku adkeeyay  in nabad gelyada u dhaxeysa Israel iyo Falastiin ay ku imaan karto oo kaliya inay si toos ah ay uwada hadlaan Labada dhinac.

Dhanka kale, Ra’iiul wasaaraha Israel ayaa warsaxaafadeed  uu soo saaray waxa uu ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha cusub ee Maraykanka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa  nabad galyada iyo ammanka bariga dhexe, waxaa intaas sii dheer inay soo hadal qaadaan heshiiska dhanka Nuclear-ka ee Iran  iyo sida ay u socoto geeddi socodka  nabadgalyada gobolka.

Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo uu madaxweyne Trump uu doonayo in la fuliyo heshiiskii ahaa in safaaradda  Washington ay ku leedahay  magaalada Talaabiib in loo raro magaalada Qudus.

Goobjoog News