U bood dhigaalka

Turaanturooyinka uu La Kulmey Tirakoobka Soomaaliya Laga Soo Bilaabo 1975-tii

Sheeko:Qormooyin

Ogaalka tirada dhabta ah ee dadka dal leeyahay, aad bay muhiim ugu tahay dowlada dalwalba, maxaa yeelay waxaa u sahlanaanaysa qorshaynta kheyraadka iyo baahinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, daryeelka dadka waayeelka ah iyo shaqo u abuuridda dhalinta xoogga leh.

Soomaaliya waligeed ma ay helin tirakoob dhab ah oo daacad laga yahay, walina si qoto dheer looma ogaan tirada dadka Soomaaliya iyo siday baahidoodu u kala duduwan tahay.

1975 ayaa dowladii askarta ee barigaas dalka xukumaysay iyadoo kaashanaysa hay’adaha UN ka iyo kuwa kaloo caalamiga ah, tirakoobtay dadka iyo xoolaha Soomaaliya. Natiijadii kasoo baxday oo ahayd in dadka Soomaaliyeed yahay 3.5 Milyan, madaxweyne Maxamed Siyaad Barre way la yaraatay tiradu, isagoo aaminsanaa in dadka Soomaaliya intaa ka badnaa waqtigaa.

Sidaasi darteed lama shaacinin tirakoobkaasi sababtaasi iyo sababo kale oo siyaasadeed, waliba xili dagaalo lagula jirey dalka Itoobiya ee dariska ah, hase yeeshee 1982 ayaa wax lagu daray oo la shaaciyay tiradu in ay tahay 4 Milyan.

1985 ayaa markale dowladii askartu iyadoo kaashanaysa UN ka iyo hay’adaha caalamiga ah samaysay tirakoob kale, markan waxaa la tirakoobay dadka iyo guryaha. Natiijadii kasoo baxday waxay noqotay 6M, laakiin nasiib daro madaxweyne Siyaad wuu diiday inuu aqbalo, isagoo haddana saluugay. Waxaase 1986 lagu sheegay in dadka Soomaaliya ay tiradoodu tahay 7 Milyan.

Marka dad la saadaal tirakoobayo waxaaa jira dhowr arimood oo ay tahay in xisaabta lagu daro, kuwaasoo kala ah, dhimashada, dhalashada iyo socdaalka dadka. Haddaba Soomaaliya markii dagaaladu ka dheceen waxaa kor u kacay laba ka mid ah arimahaa saamaynta ku leh, kor u kaca ama hoos u dhaca tirada dadka, oo ah, dhimashadii iyo socdaalkii oo kor u kacay dagaalada awgood.

1997kii waxaa jiray tirakoob qiyaas ah oo hay’ada UNDP ka sameysay Soomaliya waxaanay soo saartay war bixin ku saabsan tirada dadka Soomaaliya. Warbixintaas waxaa ku xusnaa laba arimood oo muhiim ah.

Midi waa in heerka kororka dadka Soomaaliya uu yahay 2.9% sanadkiiba, ta kalana waa in Soomaaliya dadkeedu ahaa 10 Milyan.

Ugu dambayntii 2012 ayaa hay’ada UN ka ee UNFPA, Dowladdii kumeel gaarka ahayd iyo maamulada Puntland iyo Soomaaliland isku af garteen in la sameeyo sahan tirakoob ah, maadama aan mudo la tira qiyaasin Soomaaliya.

Tirakoobka la sameeyay oo qiyaas ahaa wuxuu soo dhamaaday sanadkii 2014 ka, waxaana soo baxay in tirada dadka Soomaaliya ay tahay 12.3 Milyan.

Wasiirkii hore ee qorshaynta dowlada fadaraalka Siciid Cabdulaahi Dani ayaa saxiixay warqad lagu sii deynayay natiijada qiyaas tirakoobka, laakiin Raysal Wasaarihii hore ee Cabdiwali Sh Axmed, ayaa diiday inuu aqbalo natiijadaas, inyar kadibna waaba kii isaga iyo xukuumadiisii wada dhacay.

Xukuumada maanta jirta ee uu Raysal Wasaaraha ka yahay Cumar Cabdirashiid, ayaa aqbashay in la shaaciyo lanna dhaqan galiyo natiijada, qiyaas tirakoobkaas. 27 May 2015 ayuu wasiirka qorshaynta dowlada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte, soo bandhigay natiijadii qiyaasta ahayd oo ku salaysan 18kii gobol ee Soomaaliya dagaalada kahor.

Su’aalaha jawaabaha u baahan ee ka dhashay ku dhawaaqidan ayaa ah, Maadaama RW Cabdiwali diiday maxaa RW Cumar u yeelay? yaa RW Cumar ku cadaadinaya inuu aqbalo natiijadan?

Si jirtaba, arintaasi waxay abuurtay buuq iyo cabashooyin siyaasadeed, Puntland baa diiday inay aqbasho natiijadaas waxaanay soo saartay natiijo Puntland u gaar ah. Waxaa kaloo iyaguna diiday natiijada Jubbaland, maamulka Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, maamulka gobolka Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Arinta layaabka leh ee ka dhalatay tirakoobkan, ayaa ah in aan cidina diidanayn tirada guud ee 12.3 Milyan, laakiin cid walba oo cabanaysa waxay ku cabanaysaa in iyaga la yareeyay.

W/D : Cabdikariim Cali kaar

Goobjoog News