U bood dhigaalka

Turkiga: 172 Milyan oo Dollar oo Kaalmo ah ayuu Soomaaliya Gaarsiiyay 5-tii sano ee La soo dhaafay

Sheeko:Dalka

Kaalmada dalka Turkiga ee Soomaaliya ee 5-tii sano ee la soo dhaafay waxaa ay gaartay ilaa 500 Milyan Lira ama 172 Milyan oo dollar Mareykanka ah.

Warbixin oo ay qortay wakaaladda Anadolu, dowladda Turkiga waxaa ay Soomaaliya geysay gargaar isugu jira caafimaad, waxbarsho, dhismo iyo qalab kale.

Dalka Turkiga waxaa uu kaalmadiisa Soomaaliya bilaabay kadib markii uu booqasho ku yimid  Erdogan August 19, 20111-kii isagoo indhihiisa ku arkay dhibaato badan oo ay ka cabanayaan dadka degen wadankan ku yaalla geeska Afrika.

Turkiga lacagtaas 172 Milyan ah ka sokow, waxaa ay Soomaaliya ka hirgelisay  ilaa 50 Kun oo tan oo raashin ah, Foornooyin, goobo wax lagu kariyo iyo iyadoo dalkan u soo diray ilaa 300 oo ka tirsan bahda caafimaadka ee dalkaas oo Dhakhaatiir ay ku jiraan.

Dalka Turkiga waxaa uu hirgeliyay ilaa 5 Isbitaal oo ah nooca loo yaqaano Isbitaalada guurguura iyo 6 gawaarida gargaarka deg degga ah.

January 25, 2015: Madaxweynaha dalkaas oo markii labaad booqasho ku yimid Muqdisho, waxaa uu caasimadda ka furay Isbitaal isaga loogu magac daray, waxaa Isbitaalka taalla ilaa 200 oo sariir, Isbitaalkaas waxaa lagu wadaa in 5-ta sano ee ugu horeysa ay isla maamulaan labada dal kadibna lagu wareejiyo maamul Soomaali ah.

Hadda Isbitaalkaas waxaa ka shaqeeyo 90 Turki ah, 200 oo Soomaali ah oo ay ku jiraan ilaa 18 Dhakhtar.

Goobjoog News