U bood dhigaalka

Turkiga Aftida Kadib: 17 Arrin Oo Isbadallo Dastuuri Ah Ku Iman Doonaan, Akhriso

Sheeko:Dalka, War

Dadka Turkiga waxaa ay maanta u codeynayaan wax ka badalka dastuurka dalka, aftidan kadib waxaa wax badan iska badali doona nidaamka dowladnimo ee Turkiga.

Isbadallada Dastuuriga Ah Ee Turkiga Ka Dhacaya:

1. Golaha Shacabka tiradooda waa la kordhinayaa, hadda waa 550 xildhibaan, waxaa uu noqonayaa 600 oo xildhibaan.

2. Da’da qofka uu isku soo sharaxi karo hoos ayaa loo dhigay, halkii ay ka aheyd 25 sano waxaa laga dhigayaa 18 sano.

3. Doorashada guud iyo midda madaxweynaha 5-tii sanaba hal maalin ayey wada dhacayaan.

4. Doorashada kadib, Madaxweynaha iyo xisbiga uu ka tirsan yahay xiriirkooda ma go’ayo.

5. Waxaa meesha laga saarayaa jagada ra’isul wasaaraha, oo madaxweynaha ayaa qaadanaya awoodda fulinta.

6. Muddada madaxweynaha waa 5 sano, Labo jeer ka badan lama dooran karo.

7. Murashaxii helo aqlabiyad ayaa ku guuleysanaya madaxtinnimada dalka.

8. Madaxweynaha waxaa uu leeyahay awoodda fulinta, waa hoggaamiyaha ciidanka, waxaa uu sidoo kale magacaabi karaa ama xilka ka qaadi karaa golaha wasiirrada.

9. Madaxweynaha waxaa uu Magacaabayaa hal ku xigeen iyo wax ka badan.

10. Madaxweynaha waxaa uu afti u dirayaa dalka si xeerarka wax ka badal dastuuri ah loogu sameeyo, waa haddii uu u arko muhiim.

11. Waxaa Meesha laga saarayaa dhammaan Maxkamadaha ciidanka.

12. Maxkamada Ciidanka Laga hirgelin karo dalka, marka laga reebo Disciplinary courts.

13.  Madaxweynaha waxaa uu awoodaa ku dhawaaqista xaalad degdega ah

14. Madaxweynaha waxaa uu soo saari karaa Digreeto la xiriirta arrimaha fulinta.

15. Baarlamaanka Waxaa Su’aalo Weydiin Karaan Madaxweynaha iyo Wasiirradiisa, madaxweynaha xaq uma laha haddii ay taasi dhacdo in uu doorashooyin degdeg ah ku dhawaaqo.

16. Baarlamaanka waxaa uu soo saari karaa qaraar doorashada la xiriirta haddii shan meelood sadex ay sidaa rabaan.

17. Doorashada guud ee soo socota waxaa ay dhici doontaa November 3, 2019-ka.

Goobjoog News