U bood dhigaalka

Turkiga Iyo Koofurta Suudan Oo Galay Heshiis Ku Saabsan Waxbarashada

Sheeko:Dalka

Turkiga iyo Koofurta Suudaan ayaa galay heshiis u saabsan iskaashiga waxbarashada, heshiiskan ayaa labada dal waxaa ay ku kala saxiixdeen magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga.

Heshiiskan ay galeen labada dhinac ayaa keenaya in ay is dhaafsadaan labada wadan macluumaadka ku saabsan cilmiga, Khibradaha iyo ardeyda.

Labada dhinaca ayaa waxaa ay sidoo kale soo bandhigi doonaan tallaabooyin lagu dhiiro-gelinayo iskaashiga  xogagga ku saabsan tobabarrada iyo mihnadaha .

Luqadda Turkiga ayaa lagu dhigi doonaa iskuullada ku yaalla gudaha Koofurta Suudaan iyada oo ardeyda ay manhaj ahaan ay u qaadan doonaan.

Goobjoog News