U bood dhigaalka

Turkiga Iyo Mareykanka Oo Dib-u-bilaabay Fiisayaasha

Sheeko:Dalka

Mareykanka ayaa dib u bilaabay soo saarista visaha dal-ku-galka ee Turkiga isaga oo sheegay inuu la kulmay dammaanad-qaad ku saabsan nabadgelyada shaqaalaha ergada iyo diblomaasiyinta ku sugan Turkiga ka dib tiro ka mid ah markii la xirxiray.

Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Washinton ayaa sheegtay markii uu soo ifbaxay warkaani inay qaadaneyso tallaabo la mida tan uu Mareykanku qaatay,balse safaaradda ayaa iska fogeysay inay bixineyso wax damaanad qaad ah.

Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa waxaa ay iska xayireen dal-ku-galka muddo hadda laga joogo bil iyo waxbadan, waxayna arrintaas ka dhalatay markii Turkiga uu xirxiray shaqaalo ka shaqeynayay qunsulyadda iyo Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Istanpul kuwaas oo looga shakiyey inay lug ku lahaayeen afgambixii dhicisoobay.

Bishii May ayaa la xiray nin turjumaan ahaa kaasi oo ka shaqeynaayey Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Asnah ee waqooyiga waddankaasi halka lagu xiray Istanpul qof kale oo ka shaqeynaayey la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya, Xukuumadda Ankara ayaa labadaan nin ku eedeysan inay lug ku lahaayeen afgambigii fashilmay ee Turkiga ka dhacay sanadkii hore balse safaaradda Mareykanka ee Turkiga ayaa isla waqtigaas waxay ku sheegtay eedeymaha kuwa aan sal iyo raad toona la heyn.

Goobjoog News