U bood dhigaalka

Turkiga Iyo Urdun Oo Wada Dedaallo Lagu Ilaalinayo Qudus

Sheeko:Dalka

Boqorka Urdun Cabdullahir Al-thani iyo madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dadaalo dheeri ah lagu bixiyo arrinta magaalada Qudus.

Labada mas’uul ayaa waxay ku wada hadleen qadka teleefoonka waxayna hoosta ka xariiqeen in lagama maarmaan ay tahay ilaalinta Qudus oo Lixdii December Trump uu u aqoonsaday inay tahay magaalo madaxda Israel.

Dhanka kale boqor Cabdalla Al-thani iyo Erdogan ayaa soo dhaweeyay natiijadii ka soo baxday codeyntii golaha ammaanka ee dhacday 21 bishaan kuna saabsaneed arrinta Qudus, kaasi oo ka horimaanayo in la badalo Qudus.

Waxyaabaha kale ee ay isla soo qaadeen waxaa ka mida mas’uuliyiintaan in taageero la siiyo Falastiin  Qudusna la ilaaliyo iyada oo la eegayo go’aamadii ka soo baxay shirmadaxeedkii ururka golaha Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay Istanpul iyo codeyntii ay qaaday jamciyadda qurumaha ka dhaxeyso.

Ugu dambeyn madaxweyne Erdogan iyo boqor Cabdalla ayaa waxay isku raaceen in la wado dadaallada wadajirka kuwaasi oo ku saabsan sidii loo ilaalin lahaa xaaladda Qudus.