U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga Oo Markab Sida Raashiin Mucaawino Ah Usoo Dirtay Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Markab gargaar ah oo ay saaran yihiin ilaa 11,000 tan oo raashiin ah ayaa Jimcihii shalay kasoo baxay dekadda Mersin ee koofurta dalka Turkiga, markabka ayaa la sheegayaa in uu kusoo wajahaan yahay Soomaaliya si gargaar banii’aadamnimo loo soo gaarsiiyo dalka.

Ismail Hakki Turunc, oo ah ku xigeenka hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in markabka uu sido Bur iyo Soknor, laga soo gaarsiin doono dadka dhibaateysan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ahmet Atik, oo isna ah madaxa qeybta difaaca rayidka hay’adda Turkiga ee ka hortagga Musiibooyinka ee loo yaqaano (AFAD) ayaa sheegay in deeqdan ay tahay gargaarkii 12-aad ee Turkiga ay usoo diraan Soomaaliya, gargaarka waxaa soo diray hay’adaha AFAD, Bisha Cas iyo Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

“Haddii uu Markabkan yimaado Soomalaiya waxa uu gargaarka uu gaaro Soomaaliya noqonayaa ilaa  62,000 tons, isagoo intaa ” ayuu yiri Ahmet Atik.

Dowladda Tuyrkiga ayaa lagu xusuustaa gurmadkii ay u fidisay shacabkii Soomaaliyeed ee 2011 abaarta ku habsatay, waxaana Turkiga wixii markaasi ka dambeeyay Muqdisho ka fuliyey mashaariic kala duwan.

Goobjoog News