U bood dhigaalka

Turkiga Oo 101 Wadan U Dhoofiya Caleenta Shaaha

Sheeko:Dalka

Shaaha Turkiga ayaa waxaa uu gooni la yahay dhadhan aad u fiican . iyada oo ay soo badanayeen dalxiisayaasha soo aadaya Turkiga waxaa kordhay dhoofinta caleenta shaaha ee Turkiga.

Turkiga ayaa u dhoofiyey intii lagu guda jiray 11 bilood ee ugu horreeyay sanadkaan caleenta Shaaha 101 wadan oo daafaha dunida ah waxaana ka mida dowladahaasi Yurub,Sacuudiga iyo Ruushka.

Dhoofinta celeenta Shaaha Turkiga waxaa uu ka helay lacag dhan $23.7 Million mudadii 11 bilood aheyd ee uu dhoofinayay , waxaa sidoo kale ay gaareysaa dirada caleenta ah uu dhoofiyey 4 kun oo Dan iyo 958 Kgrm oo shah ah.

Dowladda Belgium ayaa kaalinta koowaad ku jirta dowladaha kala soo dega caleenta shaaha Turkiga waxayna ku bixisaa lacag dhan 8 million 391 kun oo doolar,Jarmalka waxaa uu ku jiraa kaalinta labaad dowladaha caleenta shaaha kala soo dega Turkiga waxaa uuna ku bixiyaa lacag dhan 6 million 350 kun oo doolar.

Dhanka dowladaha Carabta Ciraaq waxay ku jirtay sanadkii tagay kaalinta 1-aad marka loo eego dowladaha Carbeed ee Turkiga kala soo dega caleenta shaaha,kaalinta 2-aad waxaa ku jira Sacuudiga  Qatar waxay ku jirtaa kaalinta 5-aad.

Caleenta shaaha ee Turkiga ayaa waxay gaartay dowlado lahaa wax-soo saar iyo dhaqamo gaar ah waxaana ka mida Shiinaha, Japan iyoSingapore .

Sanadkii 2016 caleenta shaaha Turkiga waxaa uu u dhoofin jirat 86 wadan oo kaliya balse hadda waa ay korortay oo waxay gaartay 101 wadan.