U bood dhigaalka

Turkiga Oo Askar Looga Dilay Afrin

Sheeko:Dalka, War

Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in 8 ka mid ah askartooda lagu dilay iska horumaad ka dhacay magaalad Afrin ee waqooyiga Suuriya, halka looga dhaawacay 13 kale.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah askarta uu yahay dhaawacooda mid halisa.

Dhanka kale ilo wareedyo Turki ah ayaa waxa ay sheegeen in iska hor imaad ka dhacay buuraha Istiraatiijiga ah ee ku yaallo Afrin ay ku dileen tobanaan ka mida waxa ay ugu yeeraan argigixisada.

Turkiga ayaa sanado ka hor ku qaaday howlgal milatari kooxaha Kurdiyiinta ah, kuwaasi oo ku sugan magaalada Afrin ee dalka Suuriya.

Waxaa la rumeysanyahay in howlgalkan Turkiga looga dilay 40 askari tan iyo markii uu bilowday.

Turkiga ayaa u arka kooxaha Kurdiyiinta in ay xiriir la leeyihiin xisbiga Kurtistaani  kaasi oo uu Turkiga ku tilmaamay in uu yahay mid argigixiso.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen 115 barood oo istiraatiiji ah tan iyo markii uu bilaabay howlgalka Turkiga

Goobjoog News