U bood dhigaalka

Turkiga Oo Baaraya Saliidda Ku Jirta Biyaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku casuuntay Turkiga sahan loogu sameeyo saliidda ku jirta badaha Soomaaliya kaddib markii ay Ankara heshiis la saxiixatay Libya sannadkii hore.

Turkey ayaa Soomaaliya u ahayd dalka ay gaarsiiso kaalmada ugu badan tan iyo markii ay Soomaaliya ku dhufatay macluusha sannadkii 2011 iyadoo Ankara ay raadineyso inay kor u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Africa si ay uga hortagto dalalka ay siyaasad ahaan is-hayaan ee Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Injineerro Turkey ah ayaa gacan ka geysanaya dhismeyaasha waddooyinka Soomaaliya, Sidoo kale saraakiil Turkey ah ayaa tababaray askar Soomaaliyeed taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidanka Soomaaliyeed.

Isagoo la hadlayey wariyeyaasha xilli uu dib uga soo laabtay shirka Libya ee ka dhacay magaalada Berlin ayuu Madaxweyne Ordogan sheegay in Turkey qaadi doonto talllaabo ay uga jawaabeyso casuumadda Soomaaliya laakiin ma sii faahfaahin tallaabadaas nuuca ay noqon karto.

“Waxaa jira yabooh nooga yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: “Waxaa ku jirta saliid badaheenna. Waxaad hawlgalladan oo kale ka waddaan Libya, laakiin sidoo kale halkaan waad ka sameyn kartaan.’ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,’ ayuu yiri Madaxweyne Ordogan.” Isagoo intaas ku daray in dowladdiisu ay qaadi doonto hawlgallo arrintaas ku aaddan.

Bishii December, Koox Injineerro ah oo Turkey ah ayaa qeyb ka ahaa dad tiradoodu gaareyso 90 qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Bar Ciidan oo Muqdisho ku taal. Sidoo kale maalmo ka hor qarax gaari ayaa lagu dhaawacay 15 qof oo ay ka mid yihiin qandaraasleyaal Turkey ah magaalada Afgooye waxaana weerarkaas sheegatay xarrakada Alshabaab.

Bishii November, Turkey waxay heshiis badda lagu kala xadeynayo la gaartay Libya waxayna noqotay tallaabo ka careysiisay dalalka Greece iyo Cyprus.

Goobjoog News