U bood dhigaalka

Turkiga Oo Cambaareeyay Qaraxii Degmada Howlwadaag

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa aad u cambaareysay  qaraxii shalay subax ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta degmada Howlwadaag.

Wasaaradda bayaan ay soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in aad ay uga xuntahay qaraxa kaasi oo ay dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad badan oo ay ku jiraan caruur.

Bayaan wasaaradda waxaa lagu yiri “Waxaan aad u cambaareyneynaa weerarkan argigiso kaasi oo lala beegsanayo xasiloonida Soomaaliya”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa tilmaantay in dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ay uga tacsiyeyneyso iyada oo caafimad u rajeysay dadka ay waxyeellada soo gaartay inta uu qaraxa socday.

Goobjoog News