U bood dhigaalka

Turkiga oo Cifrin La Wareegay Iyo Mucaaradka Asad oo Magaalooyin ka Baxay

Sheeko:Dalka

Wararka kasoo baxaya saraakiil ka tirsan Turkiga ayaa sheegaya in ciidamadooda ay gebi ahaan la wareegeen magaalada Cirfiin oo ku taalla dhanda waqooyi galbeed ee dalka Suuriya.

Ilaa 7 todobaad ayaa waxaa halkaasi ku dagaalayey ciidamada Turkiga iyo Kurdiyiinta, kooxda dambe waa qowmiyad Ankar ku tiriso argagixiso.

Dhinaca kale, Ciidamada Bashaar Al-asad ayaa la sheegayaa in ay isku ballaarinayaan dhanka Guudha bari, ciidamada hubeysan ee Mucaaradka ayaa isaga baxay magaalooyin badan, waxaana la sheegayaa in magaalada Duma ee go’doonsan ay tahay midd keliya ee mucaaradka gacantooda ku hartay.

Guudhada bari, waa goob ay mucaaradka heysteen tan iyo markii Suuriya towradda ka dhacday 2011-kii, ka bixitaanka mucaaradka iyo qabsashada Asad waxaa ay ka dhigan tahay isbadalka ka dhacaya mandhiqadda.

Goobjoog News