U bood dhigaalka

Turkiga Oo Dood Ka Taagan Tahay Guurka Gabdha 9 Jirka Ah

Sheeko:Dalka

Xisbiga mucaaradka ee Turkiga ayaa madaxweynaha ugu baaqay inay baarlamanka baaraan hadal ay sheegtay mu’asaso diini ah, kaasi oo sheegaya inay suurto gal tahay in loo guuriyo gabdadha 9 sano jira iyaga oo lagu dabaqayo shareecada Islaamka.

Arrintaani ayaa waxay dhalisay caro ka imaaneysay dhanka ururada haweenka waxayna ka wadaan baraha bulshada olole ka dhan hadalka ka soo baxay mu’asasad diiniga ah.

Sharciga u yaallo Turkiga ayaa waxaa uu qorayaa in lagu guursan karo da’da 18 sano jir, sidoo kale sharciga ayaa u ogolaanayo in lagu guursan karo da’aada 16,17 haddii waalidiinta ay isku raacaan ay dhan maxkamadeed uu ka soo baxo amarka.

Goobjoog News