U bood dhigaalka

Turkiga Oo Ku Celiyay Ballan-qaadkii Ahaa 10-kun Oo Guri

Sheeko:Dalka

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan bekar ayaa mar kale ku celiyay ballan-qaadii Turkiga horay u sameeyayy ee ahaa in 10 kun oo guri ka dhisi-doonaan gudaha Soomaaliya.

Olgan bekar oo Wareysi gaar ah siiyey Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa shaaca ka qaaday in mashruucan u fulin-doonaan sida ugu dhaqsaha badan.

Danjire Olgan Bekar, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo ka hadlayey Ballan qaadkii uu sameeyey Madaxweynaha Turkiga booqashadiisii ugu dambeysay ee Muqdisho uu ku yimid ee ahaa 10-kun oo guri in ay ka dhisi doonaan Soomaaliya, ayaa sheegay in Mashruucaasi fullintiisa ay ku howlan yihiin, isagoo xusay in uu dhacay hakad yar oo dhanka Dhaqaalaha ah, sida ugu dhaqsiyaha badanna u guda geli doonaan fulinta mashruucaasi oo uu sheegay in ay ku baxeyso dhaqaalo badan.

Goobjoog News