U bood dhigaalka

Turkiga Oo Macsalaameynaya Ra’iisulwasaarahoodii Ugu Dambeeyay

Sheeko:Caalamka

Iyada oo waddanka Turkiga uu u guuray dhaqan gelinta xukunka Madaxweynaha, hadana ra’iisulwasaaraha hadda talada haya Binali Yıldırım waxaa uu noqonayaa ra’iisulwasaarihii ugu dambeeyay oo soo mara dalkaasi.

Turkiga waxaa soo maray 65 ra’iisulwasaare waxaa uuna hadda doonayaa madaxweyne Erdoğan in uu meesha ka saaro awoodda ra’iisulwasaaraha.

Binali Yıldırım ayaa noqonaya ra’iisulwasaarihii ugu dambeeyay oo soo mara dalka Turkiga, waxaana meesha laga saarayaa awoodda ra’iisulwasaaraha  arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo 24 bishii June Turkiga ay ka dhaceen doorashooyinka Baarlamaaniga ah iyo kuwa madaxtinimo.

Binali Yıldırım  ayaa ku dhashay magaalada Erzincan ee Waqooyi bari dalka 20 December 1955.

Binali Yıldırım waxaa uu horay u soo noqday wasiirka Isgaarsiinta sidoo kale waxa uu ahaa Enjineer dhisaya waddooyinka iyo guryaha.

Goobjoog News