U bood dhigaalka

Turkiga oo mar kale u gogol xaaraya hadafka 2023

Sheeko:War

Shacab weynaha Turkiga ayaa abbaare 8:00am subaxnimo ee maalintii Axadda u dareeray xulashada baarlamaankii 27-aad iyo madaxweynaha 1-aad oo mar qura loo codeynayo sida uu qabo nidaamka cusub ee lagu go’aamiyay aftidii dadweyne ee 16-kii April 2017.  Waxaa codadkooda si xor ah u dhiibtay wadarta gudaha iyo dibadda dalka 50,735,723 muwaadin, ayadoo la filayay inay codadkooda dhiibtaan 59,354,840 muwaadin oo ka dhigan in saami ka badan %85 ay codadkooda dhiibteyn. Waxyabaaha ku cusub doorashadan waxaa ka mid ah  sanduuq loogu magac daray “sanduuqa wareega” oo loogu talagalay muwaaddiniinta xanuunsan ama qaba baahiyaha gaarka ah in loogu geeyo goobaha (guryahooda ama isbitaallada) ay ku sugan yihiin si ay codadkooda u dhiibtaan.

Doorashada baarlamaanka:

Kuraasta baarlamaanka oo 600 oo kursi la gaarsiiyay ayaa waxaa ku tartamay 8 xisbi, oo u kala qeybsan laba xulufo oo kala ah isbaheysiga dadweynaha (People’s Alliance) iyo isbaheysiga qaranka (Nation Alliance). Ayadoo kaliya lix ka mid ah 8-da xisbi ay u suurta gashay inay kuraas ku yeeshaan baarlamaanka cusub ee Turkiga, halka labada kale aysan u suurta gelin inay kasoo gudbaan xeendaabka %10 ee loogu talagalay in axsaabtu kasoo gudbaan si ay kuraas ugu yeeshaan baarlamaanka. Xisbiga talada haya ee caddaaladda iyo horumarka AKP ayaa ka mid ah xulufada isbaheysiga dadweynaha oo ay ku mideysan yihiin xisbiga dhaqdhaqaaqa waddaniga (MHP) ee ka mid ah xisbiyada ugu tunka weyn mucaaridka, si ay dowlad laba-geesood ah usoo wada dhisaan, xulufeysigan ayay khubarada siyaasaddu ku macneeyeen in AKP ay ka cabsi qabtay hoos u dhac dhanka codadkeeda ah oo salka ku haya eryidda kumannaan shaqaale dowladeed ah iyo macallimiin laga eryay shaqooyinkoodii, ka dib markii lagu tuhmay inay xubno ka yihiin jameecada wadaadka diiniga ah ee Fethullah Gulen oo ku eedeeysan inay ku lug lahaayeen afgambigii fashilmay ee bishii Luulyo sanadkii 2016. inkasta uu hoos u dhac %6 ah ku yimid xisbiga talada haya ee AKP markii loo barbardhigo doorashadii 1 November 2015, haddana wuxuu qarka u fuulay inuu gaaro xeendaabka kali ahaanshaha ee kala bar (2\1) xubnaha baarlamaanka inuu helo, si uu uga maarmo inuu dowlad wadaag la sameeyo xisbiga MHP.

Dhanka kale MHP ayaa la saadaalinaayay in ay doorashadaan ku lumin doonaan codad badan, maadaama ay xisbiga ka go’day gabadha kaliya ee xisbi hoggaamisa, sidoo kalena u tartantay xilka madaxweyninimo ee dalka Meral Aksenar oo horay uga mid aheyd xisbiga dhaqdhaqaaqa waddaniga ee MHP haatanna madax ka ah xisbiga IYI Part, balse taas cagsigeed waxay codad dheeraad ah ka heleen ilaa 54 magaalo oo ka mid ah 81-ka magaalo ee Turkiga, ayagoona korarka ugu badan ka sameeyay gobollada koofureed ee dalka.

Sidoo kale xisbiga kurdida ee magaciisa loo soo gaabiyo HDP ayaa ka gudbay xeendaabka %10 oo awood u siinaya inuu baarlamaanka ku yeesho xubno matala, ayadoo uu wali xiran yahay hoggaamiyaha xisbiga ka dib markii lagu adeeyay falal argagaxisannimo oo ka dhan ah dalka Turkiga iyo inuu xiriir dhaw la leeyahay kooxda hubeysan ee mucaaridka ah oo markii magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan PKK ee ka dagaallanta koofurta Turkiga, oo ay deegaan ahaan ku badan yihiin qowmiyadda kurdida.

Xisbiga cilmaaniga ah uguna tunka weyn mucaaridka ee CHP, ayaa la filayay in uu loollan adag la geli doono labada doorasho ee baarlamaanka iyo madaxweynaha xisbiga talada haya ee AKP, balse khubarrada falanqeeya siyaasadda Turkiga ayaa tilmaamay in hoos u dhac uu ku yimid codadka xibiga markii loo barbardhigo doorashadii 1 November 2015, halka musharraxooda madaxweynaha uu helay codad ka badan xisbiga.

Doorashada Madaxweynaha:

Doorashada madaxweynaha oo ay ku tartameen ilaa lix musharrax ayaa waxaa ugu cad caddaa musharrixiinta xisbiyada AKP- Madaxweyne Erdogan iyo CHP Muhharem Ince. Xisbiga ugu awoodda badan mucaaridka ee CHP ayaa ku hanweynaa in doorashada loo gudbi doono wareeg labaad oo aysan suurta gal aheyn inuu Madaxweyne Erdogan helo cod ka badan (50%+1), si looga maarmo in loo gudbo wareegga labaad oo loo ballansanaa inuu dhaco 8-da Luulyo 2018. Hase ahaatee Musharraxa madaxweyne ee isbaheysiga dadweynaha (AKP & MHP) Madaxweyne Rajep Tayyip Erdogan ayaa cod aqlabiyad ah guusha ku raacday wareegga koowaad ee doorashada, sidaas ayaana looga maarmay in loo gudbo wareeg labaad, asagoona helay %52,5 oo u muuqata inuu koror sameeyay markii loo barbardhigo doorashadii 2014 oo uu helay %51,79.

Natiijada doorashadan ayaa waxaa indhaha ku haayay dalal badan oo caalamka ka mid ah, maadaama Turkigu yahay dalka kaliya ee isku xira labada qaaradood ee Asia iyo Europe, sidoo kalena daris la ah Suuriya iyo Ciraaq oo ay xiisado colaadeed ka aloosan yihiin, ayaa waxaa meelaha sida weyn natiijada doorashada loogala socday  ka mid qaaradda Afrika oo xiriir dhaw oo ku dhisan istaraatiijiyad dhaqaale/ganacsi oo gaaraya 20-bilyan oo dollar sanadkiiba la leh Turkiga, sidoo kale Turkiga ah ayaa ah dalka ugu caansan ee qaaradda gaarsiiya kaalmooyinka bini-aadannimo iyo deeqaha waxbarasho intaba. Ayagoo cabsi weyn ka muujinayay hadduu uu guuleysto musharraxa mucaaridka Muharrem Ince in uu albaabada isugu dhufto hey’adda TIKA oo ka hoos shaqeysa xisbiga talada haya ee AKP, taas oo ay Afrika ka hesho deeqaha bini’aadannimo ee ugu badan, ayadoo TIKA ay qaaradda ku bixisay 14 sano gudahood kaalmo bini-aadannimo oo lacag ahaan lagu qiyaasay 1.43 bilyan oo dollar.

Si gaar ah waxaa dalalka aad ula socday doorashada ka mid ahaa, Soomaaliya oo xiriir dhaw la leh dowladda iyo shacabka Turkiga, ahna dalka kaliya ee Afrikaan ah oo ay ardayda ugu badan ee deeq waxbarasho wax ku barta ka joogaan Turkiga, waxaa sidoo kale xusid mudan in Madaxweynaha Soomaaliya Mud. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka mid noqday madaxweynayaal intaan natiijada si rasmi ah loo shaacin ka hor qadka taleefanka ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdogan, isagoona noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo u hambalyeeya Madaxweynaha iyo shacabka Turkiga.

Ugu danbeyntii, Turkigu wuxuu ka baxayaa nidaamka xukuumadeed isagoo galaya nidaamka madaxweyanaha, oo awoodo badan siin doono Madaxweynaha la doortay Mud. Rajep Tayyip Erdogan, asagoona mar uu la hadlayay saqdii dhexe ee xalay taageerayaal isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta xisbiga ee caasimadda Ankara, oo uu madaxweynuhu aalaaba kala hadlo taageerayaashiisa marka doorasho la galo, ugu ballanqaaday in awoodaha uu uga faa’iideyn dowladda iyo shacabka Turkiga, asagoona carrabka ku adkeeyay in shacabka Turkigu ay cashar taariikhi ah u dhigeen dowladaha galbeedka ee farta ku goda dimuquraadiyadda Turkiga.

W/Q: Maxamed Cabdullahi Xaashi

Guddoomiyahii Hore ee Ururka Ardayda  Soomaaliyeed ee Turkiga (UMASET)

[efsicon type=”fi-social-twitter”] @MaxamadHASHI

 

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Goobjoog News