U bood dhigaalka

Turkiga Oo Marti Gelinaya Shir Madaxeed Caalami Ah Oo Looga Hadlayo Gargaarka Bini’aadannimo

Sheeko:Dalka

Dalka Turkiga waxa uu wadaa qorshe dunida ugu soo bandhigayo baahiyaha dhanka gargaarka ah ee ka taagan meello badan oo caalamka ka mid ah, isaga oo hadda marti gelinaya qaxooti ka badan 2.8 Milyan oo kasoo cararay dagaallada dalka Siiriye.

Turkiga ayaa ah wadanka Seddaxaad ee lacagaha ugu badan ku bixinaya gargaarka Bini’aadannimo marka laga reebo dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaalmaha Koowaad iyo Labaad kaga jira wadamada deeqaha bixiya ee Dunida.

Intii aan ku sugnaa magaalada Ankara waxaan ka qeybgalay dhowr kulan oo looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo sameynayo dadka guryahooda ay kasoo salkiciyeen dagaallada iyo faqriga ka jira meello badan oo ka mid ah Dunida.

Gotturk Inan  waxa uu dhanka warbaahinta u qaabilsan yahay dalka Turkiga, waxa uu la hadlay tiro wariyayaal ah oo ka kala yimid qaaradda Africa, waxaana uu sheegay in dalka Turkiga usoo jeestay wax ka qabashada dhibaatooyinka dunida ka taagan, isaga oo noqonaya sida uu yiri dhex dhexaadiye caalami ah.

Tusaale ayuu usoo qaatay wadamo badan oo Turkigu gacan siiyeen, gaar ahaan xallinta mushkilado badan oo ka taagnaa sida dalkeena Soomaaliya oo kale, isaga oo sheegay in mashaariic badan oo dhanka horumarinta ah uu Turkiga ka sameeyay Soomaaliya, taas oo noqotay tallaabo lagu daydo xilli dunida oo dhan ay iska inkireen in Soomaaliya ay tagaan ayuu tilmaamay in madaxweynahooda tagay Soomaaliya, kana dhigtay Soomaaliya in ay noqoto meel dad badan ku dhiiradaan.

Turkiga ayaa isku diyaarinaya inu martigeliyo shir madaxeed caalami ah oo si wadajir ah u shirguddoomin doonaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib, kaasi oo xoogga lagu saarayo gargaarka bini’aadannimada, waxaana soo xaadiri doona madaxda wadamadooda ay qaataan kaalmada caalamiga ah iyo wadamada bixiya.

Turkiga ayaa caalamka ka doonaya in lala qeybsado culeyska ka haysta qaxootiga faraha badan ee kasoo qulqulaya Siiriya, isaga oo ku bixiyey qaxiitigaasi 10 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

“Waxaan rabnaa inaan u sheegno madaxda caalamka markii ay yimadaan shir madaxeedka dalkeena ka dhici doona in ay nala qeybsadaan culeyska taagan iyo inaan u sheegno sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha dhanka gargaarka ee dunida oo idin ka taagan” ayuu yiri Mansur Ozdemir oo Goobjoog News u waramayey isaga oo ku sugan magaalada Ankara, waana ku xigeenka agaasimaha dhanka warbaahinta dalkan Turkiga.

Dalkeena Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada qaxootiga ugu badan dunida soo saara, waxaana wadankeena uu kaalinta Seddaxaad ka galay 5 wadan ee qaxootiga ugu badan soo saarta dunida.

Wadamada ugu badan ee qaxootiga soo saara ayaa kala ah Syria, Afghanistan, Somalia, Sudan iyo Congo.

Intii aan ku sugnaa magaalada Ankara waxaan booqasho ku tagay xarunta maareynta musiibooyinka xaaladaha degdega ah oo sanadihii ugu dambeeyay xoogga saartay la tacaalidda xaaladaha degdega ah ee Qaxootiga iyo u gurmashada wadamada dhibaatooyinka waaweyn ay ka dhacaan sida fatahaadaha iyo dhul gariirga.

Agaasimaha xaruntaasi ayaa inoo sheegay in Turkiga ay ka gudbeen wax ka qabashada xaaladaha ka taagan wadankooda, oo hadda marayaan in caalamka ay caawiyaan, isagoo tusaale usoo qaatay wadamo ku yaalla qaaradda Ameerika oo dalka Haiti ka mid yahay oo illaa hadda Turkiga ka caawiyo sidii uu dalkaasi uga kaban lahaa dhibaatooyinkii soo gaaray.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa inoo sheegay in qaaradda Afrika ay ku jirto meelaha sarreeya ee dalkoodu doonayo inuu wax ka qabto gaar ahaan marka ay timaado xaaladaha degdega ah.

“Waxaa aad inoo taabtay qaxootiga faraha badan ee dunida, kuwaasi oo u baahan in wax laga qabto” ayuu yiri Agaasimaha.

Keman Ozdemir waa madaxa qeybta hay’adda TIKA u qaabilsan qaaradda Afrika iyo Bariga dhexe, waxay inoo sheegtay in hay’addaasi ay caawisay wadamo badan oo caalamka ka mid ah oo ay leeyihiin in ka badan 100 xarun oo dunida ka mid ah.

Waxay sheegtay inay xoogga saaraan hadba baahiyaha loo soo jeediyo oo wadamada caalamka ka dalbadaan, balse waxay tiri “Qaaradda Africa oo wadamo badan oo ka mid ah ka howlgalno waxaan xoogga saarnaa tacliinta iyo caafimaadka”

Turkiga oo murashax u ah ka mid noqoshada wadamada Midowga Yurub ayaa dhawaan aqbalay in wadankiisa loo soo celiyo qaxooti badan oo dalka Siiriya u dhashay kuwaasi oo ku guul darreystay inay aqbalaan wadamada Midowga Yurub qaarkood, taasi oo dad badani u fasirteen inuu weji ka raadsanayo qaar ka mid ah wadamada Yurub maadaama uu rabo inuu ku biiro, balse saraakiil ka mid ah Turkiga oo aynu la hadalnay waxay inoo sheegeen in taasi aysan jirin oo ay ka damqadeen dhibaatooyinka soo gaaraya shacabka Siiriya oo walaalo la ah shacabka Turkiga.

IMG_8674 IMG_8775

20160418_105118 20160418_105104

Soo dire:- Axmed Weli Xuseen

Ankara, Turkiga

W/Q:- Maxamed Abuukar Kulmiye

Goobjoog News