U bood dhigaalka

Turkiga Oo Soomaaliya Ku Maal-geshanaya Illaa $200 Oo Milyan

Sheeko:Dalka

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa jimcihii Ankara ku kala saxiixday heshiis iskaashi, heshiiskan waxaa uu taabanayaa dhinacyadda Ganacsiga iyo Maalgashiga, Tamarta iyo Macdanta, Waxbarashada iyo kaabayaasha kale ee nolosha bulshada, waxaa goobjoog ka ahaa ra’isul wasaare ku-xigeennada labada dal.

Raysalwasaare xigeenka Dalkan Turkiga ayaanu wada gaadhnay heshiis labada dhinac ay arimahaas si dhow uga wada shaqayn doonaan. Waa fursad kale oo Soomaaliya iyo Turkiga isku xidhaysa.

“Waxaa dooneynaa in aan xoojinno xiriirkeenna aan la leennahay Soomaaliya, hadda maal-geshiga Turkiga ee Soomaaliya waa $100 million,” sidaasi waxaa yiri ra’isul wasaaraha ku-xigeenka  Turkiga Recep Akdag.

Recep Akdag  oo sii hadlayey waxaa uu rajo ka muujiyay in maal-geshiga  iyo xiriirka ganacsi uu kor ugu kici-doono illaa  $200 million oo kor looga qaado $120 million uu ahaan 2016-kii.

Dhankiisa ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Khadar Guuleed waxaa uu sheegay in Soomaaliya xoogga saareyso sidii maal-geshi u heli laheyd, una xoojin laheyd xiriirka fiican ay la leedahay Turkiga.

Dhinaca kale, labada dal waxaa ay kala saxiixdeen is-afgarad ku saabsan kaluunka iyo macdanka waxaana u kala saxiixay wasiirka Turkiga u qaabilsan xannaanada xoolaha Ahmet Esref Fakibaba iyo wasiirka Soomaaliya ee Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda  Cabdirahman Maxamed Cabdi Xaashi.

Goobjoog News