U bood dhigaalka

Turkiga Oo Soomaaliya Ku Wareejiyay 450 Qori, Nooca “MPT-76”

Sheeko:Dalka

Dowladda Turkiga ayaa xukuumadda Soomaaliya ku wareejisay hub gaaraya 450 qori oo ah nooca “MPT-76” kaasi oo ciidamada qalabka sida ee Turkiga ay u isticmaali jireen howlgallada la xiriirka la dagaalanka argigixisada.

Arrinkaani ayaa imaanaya heshiis la xiriira iskaashi dhanka difaaca iyo tababarka ah oo ay wada galeen dalalka Turkiga iyo Soomaaliya, sida oo kale isla heshiiska waxaa ku jira in cutubyo ka tirsan ciidanka Soomaaliya lagu tababaro saldhigga milatari ee Ankara ay ka aas-aastay caasimadda Soomaaliya ee Mugdisho.

Soomaaliya waxaa ay kala wareegtay mu’asasada sameysa  hubka illaa 2,500 ka mid ah hubkaani kaas oo ka yimid jamhuuriyadda Cyprus ama Qubrus ee dhanka Turkiga.

Dhanka kale, waxaa ay sheegtay shirkadda Turkiga ee sameysa hubka “MPT-76” in ay hadda ku wareejin doonaan in ka badan 3,200 oo ka mid ah hubkaani halka 500 oo qeyb ka mid ah hubkaani ay ku wareejineyso ilaalada madaxtooyada Turkiga.

Dhirirka qoriga waxaa uu gaarayaa 920mm ,halka miisaankiisa lagu qiyaasay 4.1 Kg, waxaa uuna si toos ah uu wax uga dilayaa fogaan dhan 600 M, sidoo kale astaamaha uu leeyahay qorigaan waxaa ka mida waxaa uu u dhacayaa si darandoori ah halkii daqiiqo waxaa ka dhacaya 650 xabad.

Waqti sii horreeyay waxaa ay sheegayaan ilo wareedyo in boqortooyada Sacuudi Carabiya, Japan, Pakistaan, Kuuriyada Koofureed iyo Azerbaijan inay muujiyeen rabitaan ku aadan hubkaani waxayna doonayeen inay ka iibsadaan Turkiga.

Goobjoog News