U bood dhigaalka

Twitter oo Bartiisa Ka Saaraya Badhamada “Retweet” iyo “Like”.. Maxaa Lagu Bedelayaa?

ShirkaddaTwitter ayaa  doonaysa iney meesha ka saarto badhamada “Retweet“, “Like” kuna bedesho caddeynta tirda dadka hadal-haya mowduuca tweetka.

Website-ka TNW ee arrimaha teknoolajiyadda ka hadla ayaa sheegay in Twitter uu doonayo in badhamada Retweet iyo Like uu meesha ka saaro, waa sida  Dan Jackson oo ah afhayeen u hadlay Twitter u sheegay website-ka TechCrunch.

Dan ayaa caddeeyay in twitter uu tijaabo ku wado hadda habkan cusub, iyadoo tiro kooban oo dadka barta adeegsada loo ogaaladay tijaabada cusub,  waxaana ka soo muuqaneysa twitter-ka tirda dadka ka sheekaysanaya tweet-ka uu qofi sameeyo, arrintaas oo keenaysa in ay dadku ku dhiiradaan iney si wanaagsan ula falgalaan twitter-ka.

Waxaa la tilmaamayaa in dadka twitter-ka ka shaqeeyaa ay si wanaagsan u ogyihiin in tirada Retweet-ka iyo Like ka aaney si dhab ah uga tarjumayn tirada dadka hadal-haya mowduuca oo xiisaynaysa, waana mid ka dhigaysa taasi in habkan cusubi uu noqdo mid ka fiican kana heer sarreeya habkii hore ee aaney tiro soo muuqaneyn.