U bood dhigaalka

Twitterka Oo Diiday Inuu Tiro Bogga Donald Trump

Barta Twitterka ayaa diiday inuu xayiraad saaro xisaabaadka ay leeyihiin hoggaamiyayaasha caalamka  kuwaasi oo qoraaladooda ay kiciyaan doodo.

Twitterka ayaa laga codsaday inuu xayiraad saaro ama uu tiro bogga uu ku leeyahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shirkadda Twitterka ayaa jimcadii boggeeda qoraal ay soo dhigtay waxay ku sheegtay in shirkadda ay ula jeedkeedu yahay inay u adeegto wadahadallada caalamiga ah iyo kuwa guud ayna bogaadineyso in cid walba oo wax ku qorta barta Twitterka ay horay u socoto,shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan  tiri doonin qoraallada hogaamiyayaasha dunida ee la doortay .

Hadalka shirkadda ayaa imaanaya ka dib markii Trump uu ku qoray bartiisa hadal dood dhaliyey kuna saabsan wadanka Kuuriyada Waqooyi isaga oo u hanjabay,waxayna arrintaasi keentay in dad badan ay codsadaan in Trump xayiraad laga saaro bartaan ay bulshadu ku xariirto.

Todobaadkaan ayuu ahaa markii Trump uu ku qoray bartiisa Twitterka waxaa uuna yiri “Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong-un waxaa uu yiri botonka Nukliyeerka waxaa uu yaalaa xafiiskeyga”.

Waxaa uu intaasi ku daray Trump “ Miyuusan u sheegin mid ka mida mas’uuliyiinta maamulkiisa tacbaanka ah ee gaajeysan inaan anigu haysto botonka Nukleerka,uuna ka weynyahay kana xoog badan yahay botankiisa”.

Shirkadda Twittrka ayaa hoosta ka xariiqday in hogaamiye hadii laga xayiro barta Twitterka ama la tiro qoraaladiisa kicinaya doodaha xasaasiga ah,waxaa qarsoomaya xog muhiim ah oo aheyd in loo soo bandhigo dadka si ay uga doodaan ugana aragti dhiibtaan.

Shirkadda ayaa ku adkeysaneysa inay u shaqeyn doonto si dhexdhexaadnimo ah ayna marka kasta ay muhiimadda siineyso danaha dadweynaha.

Goobjoog News