U bood dhigaalka

UAE Iyo UNSOM Oo Ka Wadahadlay Xaaladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Cuthmaan iyo ergayga gaarka ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah.

Warbaahinta dalka Imaaraadka ayaa sheegay in Labadan mas’uul ay ugu horreyn ka wadahadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya safaaradda iyo sidoo kale xafiiska UNSOM.

Sidoo kale, waxay Labadan dhinac ka wadahadleen sidii looga shaqeyn lahaa in Soomaaliya laga taafeero amniga, degnaanshiyaha iyo sidoo kale horumarka.

Wakaaladda wararka ee Imaaraadka Carabta (WAM) ayaa sheegtay in Keating uu ku booriyey Imaaraadka iney sii wadaan teegeerada ay siiyaan Soomaaliya sida dhinacyada Bini’aadannimo, gargaarka iyo horumarinta.

Ugu dambeyn, Safiir Maxamed Al-Cuthmaan ayaa uga mahadceliyey Michael Keating sida uu ugu soo booqday xafiiskiisa.

Goobjoog News