U bood dhigaalka

Ugaar Ah Goobjoog: Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Laga Qabtay Koonfurta Suudaan

Sheeko:Dalka

Ciidamada Koonfurta Suudaan ayaa Safaaradda Soomaalida ee dalkaasi ku soo wareejiyay 21 Tahriibayaal ah, kuwaas oo laga soo qabtay xadka u dhaxeeya Labada Suudaan, kooxdan ayaa ku sii jeeday dalka Libya.

Sida aad sawirka ka aragtaanba, 21-kan la keenay caasimadda Jubba, 4 ka mid ah waa dumar, waxaana lagu wadaa in Safaaradda iyo bulshada Soomaaliyeed ay iska kaashaadaan soo qaadista dadkaasi.

Horay waxaa saafaradda Soomaalida ee Jubba loo keenay 35 qof oo tahriibayaal ah, 25 wiil iyo 10 gabadh, gabdhihii waxaa intooda badan la keenay Soomaaliya halka wiilashada 17 ka mid ah soo oo Maraaliya laga daaweeyay, codsadeen in Soomaaliya loosoo celiyo, inta kalana la geynayo Kaam ku yaallo Jubba.

Warar xog-ogaal ah oo ay heshay Goobjoog News waxaa ay sheegayaan in dowladda federaalka ah ay sii deysay 5 Magafe oo qeyb ka ahaa tahrribinta Soomaalida, kuwaas oo ay soo qabteen ciidamada Koonfurta Suudaan.

Warar Arrinkan La Xiriira:  Magafeyaashii Laga Soo Qabtay Koonfurta Suudaan Oo Laga Sii Daayey Xabsiyada Muqdisho

Ma jirto siyaasad cad oo dowladda ay ka leedahay Tahriibka iyo dhalinyarada aadaya Saxaraha ama badda, arrintaas oo wal-wal ku heysa waalidiinta.

Goobjoog News