U bood dhigaalka

Ugaas Yarow: DF Guluf Colaadeed Ayey Ka Waddaa Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga

Ugaas Maxamed ugaas Xasan ugaas Yarow oo sheegay in uu yahay ugaaska beesha Mareexaan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxa uu ku eedeeyay in dhibaatada ka taagan gobalka Gedo ay masuul ka tahay dowladda waxa uuna sidoo kale tilmaamay in gobalkaasi ay haatan dowladdu ka waddo guluf colaadeed.

“Annagu waxa aan nahay Jubbaland waxaan ka sii nahay federal dowladdii federaalka ahayd ayaa dhibaatada ka wadda gobalka Gedo, sidaad la socotaan degmooyinka Luuq, Dooloow, Beladxaawo guluf colaadeed baa ka jira dowladda federaalka ayaa wada gulufkaas colaadeed” ayuu yiri ugaas Yarow.

Sidoo kale ugaas Yarow ayaa sheegay in gulufkaasi colaadeed ay keentay in lagu  geeriyoodo sidoo kalane ay dad ku barakacaan, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in dowladdii Soomaaliyeed ay iminka dhibaatadaasi waddo.

Ugaaska oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Waa lagu geeriyooday gulufkaasi colaadeed waa lagu dhaawacmay waa lagu qaxay, dhibaatadaas foosha xun baa ka jirta gobalka Gedo, nasiib darro weeye dowladdi federaalka ahayd oo ummadda dowladedii ahayd in dhibaatadaas ay waddo nasiib darro aad u xun weeye”

Dhinaca kale ugaaska beesha Mareexaan ayaa carabka ku dhuftay in wax aad loola yaabo ay tahay in maalinkasta madaxweyne Farmaajo uu gobol dhibaateeyo sida uu sheegay ugaas yarow.

“Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in maalin walba uu gobolka dhibaateeyo waa waxaan la yaabanahay weeye, haka joojiyo dhibaatada uu ummadda ku haayo, taariikh ayaa jirta oo madaxweyne kasta laga qoro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ugaas Maxamed.

Ugu dambeyn ugaaska ayaa baaq dheer u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in dowladdu dhibaatada ka deyso dadka.

“Waxaan baaq dheer u soo jeedinayaa dowladda federaalka Soomaaliya dhibaatada ay ku wado dadka ha ka deyso” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa ugaas Maxamed ugaas Xasan ugaas Yarow.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kala wadaan ciidanka dowladda ee gobolkaasi la geeyay iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo iyagu horay uga arrimin jiray inta badan gobolkaasi, lamana oga halka ay ku dambeyn doonaan dhaqdhaqaaqyadaasi ciidan.

Goobjoog News