U bood dhigaalka

Uganda: Canshuur Lagu Soo Rogay Adeegsiga Baraha Bulshada

Baarlamaanka Uganada ayaa canshuur kusoo rogay dadka isticmaala baraha bulshada si dakhliga kor loogu qaado, dadka qaar ayaa sheegaya in arrintan loogu gol leeyahay in la yareeyo dhaleeceynta madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo xukunka hayey tan iyo 1986.

Lacag dhan  200 shillings ($0.0531) ayaa laga qaadi-doonaa dadka isticmaala Facebook, Twitter iyo WhatsApp. Lacagtan ayaa sanadkii gaareysa ilaa $19.

“Canshuurtan waa la meel-ariyay arbacadii taas oo qeyb ka ah dib u habeyn lagu samenayo xeerka canshuuraha kaas oo dhaqan-geli doonnaa sanadkan soo socda” sidaasi waxaa Reuters u sheegay afhayeenka baarlamaanka Chris Obore.

Ilaa  40% dadka reer Uganda oo guud ahaan gaaraya 40 million ayaa isticmaalaja baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo WhatsApp .

Goobjoog News