U bood dhigaalka

Uganda Oo Caalamka Ka Dalbatay In La Xasiliyo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Uganda ayaa caalamka ka dalbatay in la xasiliyo Soomaaliya kahor inta aan dalka dib loogu soo celin qaxootiga ku sugan dalka Kenya.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Dr Ruhakana Rugunda oo hadal ka jeediyey shir ka dhacay Turkiga oo looga hadlayey arrimaha bini’aadannimada ayaa sheegay in Kenya ay ku taageersan yihiin inay dalbato taageero caalami ah oo ku saabsan qaxootiga dalkeeda ku sugan.

Waxa uu sheegay Ruhakana Rugunda in caalamka looga baahan yahay in ay garab istaagaan dowladda Kenya qarashna ku bixiyaan arrinta qaxootiga.

“Waxaan ku taageereynaa Kenya inay dalbato taageero caalami ah islamarkaana dareen la siiyo arrinta qaxootiga, waxaan ka rajeyneynaa Kenya iyo qaramada midoobay inay awood u yeeshaan xal ka gaarista dhibaatadan iyadoo la badaniyo taageerada beesha caalamka ee Kenya iyo in lagala shaqeeyo dowladda Kenya xaqiijinta in dhibaatada argagixisada inay halkaas ka jirto”

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Uganda ayaa sheegay in ay aad u wanaagsanaan lahayd in caalamka door weyn ka qaato xasilinta Soomaaliya kahor inta aan dalka lagu soo celin qaxootiga Kenya ku sugan.

“Intaas waxaa sii dheer waxaan jeclaan lahayn inaan aragno Soomaaliya oo deggen ammaan ah inta aan la celin qaxootiga ka hor waxaana ku kalsoonahay in xal laga gaari doono taasoo noqon doonta mid ay aqbasho Kenya iyo qaramada midoobay iyo sidoo kale beesha caalamka”
Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in gabi ahaamba dhammaadka sanadkan ay xiri doonto xeryaha Dhadhaab oo ay ku sugan yihiin qaxooti badan oo Soomaaliyeed.
Goobjoog News