U bood dhigaalka

Uganda Oo Sheegtay Iney Xoojineyso Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Uganda ayaa sheegtay iney xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, islamarkaana Soomaaliya ay ka caawin doonaan amniga iyo iney dib cagaheeda isku soo taagto.

Madaxweynaha dalkaasi Yuwer Musseveni ayaa sheegay in Soomaaliya caqabadda ugu weyn ee haysata tahay Al-shabaab, una baahan tahay dowladda Soomaaliya in laga caawiyo arrintaasi.

Madaxda Soomaaliya ayuu sheegay Mr. Musseveni in xilligaan laga doonayo iney iyaguna ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa ciidamo adag oo hanta amnia iyo kala dambeynta dalka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Ugadanda ayaa ugu baaqay beesha caalamka in marnaba aysan gacan bidixeyn garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Dowladda Uganda ayaa kamid ah dowladaha dalka usooo diray ciidamada Nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika.

Goobjoog News