U bood dhigaalka

Ugu Yaraan 10 Qof Oo Ku Geeriyootey Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo Ismiidaamin ah oo oo maanta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho,  kuwaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyadan ayaa lagu weeraray Hoteelka Peace oo ku yaalla kasoo horjeedka albaabka Koowaad ee xerada Xalane.

Qaraxii ugu horreeyay ayaa ka dhacay goob bar Koontarool ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana xigay gaariga kale oo lagu dhuftey darbiga Hoteelka.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadan ku dhintey 11 qof oo u badan  dad shacab ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 qof.

Dadka qaraxyadan waxyeellada soo gaarsiisey waxaa ku jirey 8 caruur ah oo walaalo ah, Labo kamid ah carruurtaasi waa ay geeriyoodeen, waxaana dhaawacmay 6 kale oo hadda yaalla Isbitaalka Madiina.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxyadan lala damacsanaa Hotelka Peace hase ahaatee aanay khasaare badan soo gaarsiin dadkii Hoteelka ku sugnaa.

Qaraxyadan waxaa xooggooda laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana burbur uu soo gaarey dhammaan dhismayaashii halkaasi u dhowaa.

003 002 001

Goobjoog News