U bood dhigaalka

Uhuru Iyo Trump Oo Ku Heshiiyay Kor U Qaadidda Ganacsiga Iyo Amniga

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Mareykanka Donald Trump ayaa ku heshiiyay in kor looqaado dalxiiska, xiriirka ganacsiga iyo in la wanaajiyo amniga gaar ahaan geeska Afrika.

Madaxweyne Kenyatta oo hadlayay Isniintii kulan labo geesood ah oo ka dhacay aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka uu kaalin asaasi ah uu ka qaatay la dagaalanka argagixisada, sidoo kalana uu hadda diyaar u yahay ka qeybqaadashada qeybaha kale ee dalka.

“Waxaan Iskaashi xoog leh oo aad u sarreeya lalaheen Mareykanka kaasi oo ku qotoma dhinacyada amniga iyo difaaca, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argigixisada waxaana arrintaasi ugu muhiimsan waxaan eegeynaa inaan xoojinno iskaashigeenna ku aadan ganacsiga iyo Maalgashiga” sidaasi waxaa u sheegay Washington, DC Madaxweyne Kenyatta.

Duulimaadyada Tooska ah

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Kenya iyo Mareykanka ay sii wadi doonaan wadashaqeyntooda si kor loogu qaado iskaashigooda ku aadan ganacsiga, Maalgashiga iyo ammaanka.

“Waxaan sameyneynaa in badan oo dalxiis ah, waxaan sameyneynaa ganacsi badan iyo difaac, waxaan aad uga shaqeyneynaa wanaajinta amniga, waan awoodnaa in badan” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Trump.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale waxaa ay ka doodeen faa’idooyinka ay leedahay in shirkadda duulimaadka Kenya ay duulimaad toos ah sameyso kaasi oo ah mid isku xira Nirobi iyo New York waxaa uuna bilaaban doonaa duulimaadkan tooska ah bisha October.

Madaxweyne Trump iyo Marwadiisa Melania ayaa aqalka cad ku soo dhoweeyay Uhuru Kenyatta iyo xaaskiisa.

Madaxweyne Kenyatta ayaa noqonaya Madaxweynihii 3-aad oo Afrikan ah kaasi oo Martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweyne Trump Kadib Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo uu qaabilay Trump bishii April ee sanadkan.

Daily Nation

Goobjoog News