U bood dhigaalka

Uhuru Kenyatta : Macquul Ma Ahan in Aan Sheegno Taariikhda aan Baxeyno

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta  ayaa sheegay in aanay suuro-gal aheyn in la sheego xilliga ay baxayaan ciidamada Kenya ka jooga gudaha Soomaaliya.

Arrinta waxaa uu Uhuru ku sheegay wareysi uu siiyey VOA News ee Washington, DC isaga oo intaasi raaciyey in Kenya ay dooneyso inay ka baxdo Soomaaliya “ Xilliga ugu dhow, uguna macquulsan”.

“Waxaan rajeyneynaa in aan la shaqeyno dowladda Soomaaliya si aan u adkeyno amnigooda si ay marka dambe ula wareegaan. Markaan kadib waxaan u soo guran-doonna xadkeenna si aan u dhinno qarashka aan galeyno” sidaasi waxaa yiri Uhuru.

Uhuru Kenyatta waxaa uu qabaa in inta heerkaas laga gaarayo aaney sax aheyn in ciidamada laga saaro, oo meesha ay marnaato.

“Macquul ma aha in aan sheegno taariikhda aan baxeyno, waxaa ay ku xirantahay sida aan u jabinno Al-shabaab iyo in dadka Soomaaliyeed ay dhistaan ciidamo xooggan, qalabeysan, diyaarsan, dhameystiran isla markaana leh maamulkii loo baahnaa”.

Uhuru iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isku afgartay inay xoojiyaan iskaashiga xagga difaaca, amniga iyo la-dagaalanka argigixisada.

Sida ku qoran ogolaashiyaha golaha ammaanka, ee qaraarka tirsigiisu yahay 2,372 (2017), Kenyan waa in ay ciidamadeeda kala baxdaa Soomaaliya December 2020, taasi oo ah marka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay amniga la wareegaan.

Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya jooga waxaa ay ku sugan yihiin 16 goobood, goobahaas waxaa la qorsheynayaa in ay ku wareejiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwan Jubbaland.

May sanadkan, Madaxda AMISOM Brigadier Gen Paul Lokech  waxaa uu ka digay in AMISOM la dhimmo, waxaa uu saxaafadda u sheegay in tillaabadaasi ay ka dhalan kato cawaaqib xumo.

Goobjoog News