U bood dhigaalka

Uhuru Kenyatta oo Farmaajo Uga Guuleystay Shuruudo Ay Ku Jiraan Ajendaha Kiiska Badda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii u hoggaansamay ajendaha iyo cadaadiska dalka Kenaya ee ahaa in wada hadal kasta oo labada dhinac ah ay qeyb muhiim ah ka noqoto muranka badda.

Kulan ay dowladda Kenya u soo martay midowga Afrika iyo guddoomiyeheeda Cabdifitax Al-sisi ayaa xalay magaalada New York, xarunta Qaramada Midoobey ku dhexmaray madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Kenyatta, iyaga oo ka hadlay muranka badda, xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.

Ilo ku sugan magaalada New York iyo Shirka jimciyadda Qaramada Midoobey ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Kenya ay maalmahan raadineysay la kulanka wafdiga Soomaalida laakin Muqdisho ayaa shardi ka dhigtay in ajendaha laga saaro arrinta muranka badda, taasi oo sida muuqata Kenya ayaa guuleystay, oo ajendaha kiiska badda waxaa uu qeyb ka ahaa kulanka ama arrimihii looga hadlay miiska.

In ajendayaasha wada hadalka labada dal uu qeyb ka noqdo muranka badda waa guul ay Kenya gaartay, waxaa kale oo dhici karta in Nairobi ay xalay Farmaajo kala hadashay codsi cusub oo todobaadkan ay u dirtay maxkamadda ICJ oo ah in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda oo balantu tahay November 4, Kenyaanku waxaa ay qabaan in waqtigu ku yar yahay.  Maxkamadda ICJ ayaa dib dhigtay dhageysi lagu waday bishan September hadana waxaa laga yaabaa iney mar kale sii dib dhigto.

Dhinaca kale, bogga Villa Somalia ayaa daabacay in la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.

In kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay.

In laga dhawrsado wax walba oo keeni kara in ay sii kala fogaadaan shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.

Goobjoog News