U bood dhigaalka

Kenyatta Oo Soo Booqday Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho kedis ah sabtidii ku yimid xerada Dhoobley ee ciidamada Kenyaanka ku leeyihiin halkaasi ayaa waxaa uu sheegay in militariga Kenya ay nolol badan ka badbaadiyeen Al-shabaab.

“Halkan waxa aad joogteen muddo si aad nolosha u bad-baadisaan, arrintaasi darteed Kenyaanka idiinma illoobi doonaan, joogitaankiina waxaa uu dadka ka xoreeyay Al-shabaab”.

Mr. Uhuru oo sii hadlaya waxaa uu intaa raaciyay “Fadlan niyaddiisa ka dhisnaayo, fadlan hankiina ha sareeyo, waxa aad ka qabataan maalin walba waa in la garto, aadna loo qadariyo, arrintaasi waxaa ay saacideysaa gudaha Kenya iyo dhammaan gobolka’.

Madaxweynaha Kenya waxaa uu ciidamdiisa u sheegay in Soomaaliya lagu talo jiro in ciidamo loo dhiso, markaasi kadibna ciidamada Kenyaanka ay guryahooda ku laaban doonaan.

Ciimada Kenya waxaa ay Soomaaliya soo galeen 2011-kii, intii ay joogeen waxaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo laga sameeyay maamulka hadda loo yaqaano Jubbaland, marar badan ayaa ciidamo laga dilay, laakin dib uma guran.

Goobjoog News